Dhageyso: Nabadoon Maxamed Xasan Xaad Oo Ku Baaqay Joojinta Dagaalka Degaanka Deefoow Ee Gobolka Hiiraan

0 75

Muqdisho(INO)-Waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedka ka socda deegaanka Deefoow ee gobalka Hiiraan, kaasi oo dad badan ay ku dhinteen.

Maxamed_Xasan_Xaad

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo u waramay Warbaahinta ayaa ku baaqay  in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaaladaan, si shacabka ay nabad ugu degaan.

“ Waa dagaal aynu aad uga xunnahay, waxaan rabnaa in shuruud la’aan lagu joojiyo, waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada dagaalamaya in nabadda ay wada qaataan, maamulka iyo Odayaashana kaalin haka qaataan damintaa colaadaan” ayuu yiri Nabadoon Xaad

Dhanka kale Nabadoon Xaad ayaa sheegay in ka waxgarad ahaan xitaa ay ku baxayaan dagaalada hadii lagama maarmaan ay noqoto in iyaga ay halkaasi aadaan.

Halkan Ka Dhageyso Codka Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.

Dagaal u dhaxeeya beelo wada dega deegaanka Deefoow oo 35 KM dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Baladweyne ayaa halkaasi dib uga bilawday, waxaana ilaa hadda jirin qorshe cad oo dagaalkaasi lagu daminayo.

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.