Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Beeleed Ka Socda Deegaanka Deefow Iyo Qasaare Nafeed Oo Halkaasi Laga Soo Sheegayo

0 57

Deefow(INO)-Dagaal u dhaxeeya Laba Beel oo wada dega deegaanka Deefoow ee gobalka Hiiraan ayaa saaka halkaasi ka bilawday, kaas oo illaa iyo xilligaan soconaya.

News_live

Wararka ay helayso Idale News Online , waxay sheegayaan in halkaasi ay ku dhinteen 5 qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah, iyadoo dhaawaca 10 ruux uu ka badan yahay.

Qaar ka mid ah dadkii dagaalkaasi ku dhaawacmay waxaa lasoo gaarsiiyay Isbitaalka Magaalada Baladweyne, sida ay soo sheegayaan wariyaasheena ku sugan magaaladaasi.

Maamulka Gobalka Hiiraan weli wax war ah kama uusan soo saarin dagaalkaan, waxaana weli Labada dhinac ay isku adeegsanayaan rasaas xoogan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Idale News Online, Deefow.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.