Dhageyso:Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo Loogu Baaqay In Uu Wasiiro Ka Dhigo Dad Yaqaana Dhaqanka Iyo Bulshada Soomaaliyeed

0 49

Muqdisho(INO)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa loogu baaqay in wasiiro uu usoo magacaabo shaqsiyaadka kala yaqaan Bulshada Soomaaliyeed iyo dhaqankeeda.

Cumar-Cabdirashiid-Cali-Sharmaarke

Muumin Gariig oo ka mid ah siyaasiinta Soomaaliyeed ayaa isaga oo u waramay Warbaahinta, waxa uu ku taliyay in xilligaan Ra’iisul waaaraha uu aad uga fikiro cid walba oo wasiir uu ka dhigi doono.

“Waxaan usoo jeedinayaa Ra’iisul wasaaraha, maadaama mas’uuliyiintii ka horeeyay ay wasiirada ay magacaabeen aysan waxba u qaban dadkii loo soo soo magacaabay in ay wax u taraan , sidoo kale aysan aqoonin dhaqankii dadka, dana gaar ahna raadsanayay lana moodayay Dad dal usoo shaqo tagay, in hadda uu Ra’iisul wasaaraha soo magacaabo dad wax badan ka yaqaana dhaqanka iyo dalka si wax ay u bad baadaan” ayuu yiri Muumin Gariig.

Halkan Ka Dhageyso Codka Muumin.

Soomaaliya ayuu sheegay in xilligaan ay u baahan tahay mas’uuliyiin wax u qabata, islamarkaana aan loo baahneen siyaasi isaga un iska danaysanaya, dalkana aan wax dan ah u hayn.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa xilligaan laga sugayaa in uu soo dhiso xukuumadiisa, waxaana horyaala shaqooyin aad u badan.

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.