Dib u Dhac Maanta ku Ymid Magacaawista Wasiiradda Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya

0 59

Baydhabo(INO)-Shariif Xasan Sheikh Aadan Madaxweynaha Maamulka KG Soomaaliya  Ayaa la filayaa in uu soo Dhameystiro Golihiisa Wasiirada oo la filayo Goordhaw in lagu dhawaaqo Xubno dhiman Wasiirada maamulkaasi.

News_live

Madaxweynaha ayaa dhanka kale waxaa uu soo Kormeeray Isbitaalka Magaalada Baydhabo halkaas oo ay ku jiraan tiro Dad qaba dhaawacyo u badan dad lagu rasaaseeyay Gobolka Bakool Xili ay Gaari la socdeen waxaana uu madaxweynuhu ku soo waregay Qaybaha Isbitaalka isagoo Warbixin ka dhageystay Maamulka Isbitaalka.

Dhanka kale Golaha wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ay iyana Kormeer Howleed ku tageen Dhowr Goobood oo kala ah Isbitaalka Baydhabo Saldhiga Booliska Bangigii Dhexe Ee Baydhabo iyo Xarumo kale Iyadoo uu Wasiiradaas Horkacayo Wasiirka Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa ka soo laabtay Magaalada Kismaayo Halkaas oo uu heshiis kula Saxiixday Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe Waxaana uu Maanta soo dhameystiri Doonaa Golihiisa Wasiirada.

Idale News Online, Baydhabo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.