Dhageyso:Maamulka Deegaanka Goofgaduud Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Howlgalo Ciidamada Dowladda Ka Wadaan Deegaankaasi

0 51

Guuf-Gaduud(INO)-Maamulka deegaanka Goofgaduud ee gobalka Bay ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalo balaaran oo ciidamada dowladda ka sameeyeen deegaankaasi iyo deegaanada ku dhaw.

guud gaduud

Axmed Aadan Maxamuud oo ah gudoomiyaha deegaankaasi ayaa u sheegay Warbaahinta, in howlgaladaan ay ka dambeeyay ka dib markii ay ka war heleen in halkaasi ay soo galeen rag ka mid ah Al-shabaab iyo sidoo kale dad la shaqeeya.

Halkan Ka Dhageyso Codka Axmed Aadan Maxamud.

“Waxaan ka war helnay in Nabad diidka rag ka mid ah ay dhuumasho deegaanka kusoo galaan, sidoo kalena ay yimaadaan rag kale oo iyaga basaas u ah, dad badan ayaa qabanay kuwo kalena waan raadinaynaa” ayuu yiri gudoomiyaha deegaanka Goofgaduud ee gobalka Bay.

Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in qorashahooda uu yahay sidii ay ku xaqiijin lahaayeen amaanka guud ee deegaankaasi iyo sidoo kale in ay la dagaalamaan Al-shabaab.

Mararka qaar rag ka mid ah Al-shabaab ayaa xilliyada habeenkii ah waxa ay weerar kusoo qaadaan duleedka deegaanka Goofgaduud ee gobalka Bay.

Idale News Online, Guuf-Gaduud.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.