Dhageyso:Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed iyo wasiiradiisa oo Kormeray Isbitaalka Baydhabo Janaay

0 50

Baydhabo(INO)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka baay ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta uu Halkaa Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan uu soo Dhameystirayo Golihiisa Wasiirada oo Hadda u soo sheegayo Wariye ku sugan  Gobolka Baay in la filayo Goordhaw in lagu dhawaaqo Xubno dhiman Wasiirada maamulkaas.

Shariif

Madaxweynaha ayaa dhanka kale waxaa uu soo Kormeeray Isbitaalka Magaalada Baydhabo halkaas oo ay ku jiraan tiro Dad qaba dhaawacyo u badan dad lagu rasaaseeyay Gobolka Mudug Xili ay Gaari la socdeen waxaana uu madaxweynuhu ku soo waregay Qaybaha Isbitaalka isagoo Warbixin ka dhageystay Maamulka Isbitaalka.

Halkan Ka Dhageyso Codka.

Dhanka kale Golaha wasiirada Maamulka K/Galbeed ayaa waxaa ay iyana Kormeer Howleed ku tageen Dhowr Goobood oo kala ah Isbitaalka Baydhabo Saldhiga Booliska Bangigii Dhexe Ee Baydhabo iyo Xarumo kale Iyadoo uu Wasiiradaas Horkacayo Wasiirka Arimaha Gudaha K/Galbeed.

Idale News Online, Baydhabo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.