Dhageyso:Ruux Kenyan ah oo kamid ahaa dadkii weeraray Saldhiga Amisom Ee Xalane

0 49

Muqdisho(INO)-Ururka Alshabaab ayaa baahiyay wareysi ay ka qaadeen mid kamid ah ragii weerarka ku qaaday xarunta ciidamada AMISOM ee Xalane kaasi oo la sheegay inuu ahaa ruux Kenyan ah.

MUQDISHO

Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Salmaan ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dad Alshabaab kaga soo biiray dhanka dalka Kenya, uuna qeyb ka ahaa dadkii weeraray xarunta Xalane.

Codka laga duubay ruuxaan la sheegay inuu ka mid ahaa ragii weeraray Xalane ayaa lagu baahiyay Idaacada afka Alshabaab ku hadasha, waxaana wareysiga laga maqlayay isagoo ku hadlaya luqada Sawaaxiliga oo looga hadlo dalka Kenya.

Halkan Ka Dhageyso.

Alshabaab ayaa maalin ka hor soo saaray wareysi laga qaaday ruux ay sheegeen inuu hogaaminayay weerarkii Xalane, waxaana kasoo horeeyay mar lasoo bandhigay magacyada dadkii weerarka ka dambeeyay.

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.