Daawo Sawirada:Axmed Madoobe oo dhigiisa Dowlada Koonfur Galbeed ka sagootiyay Garoonka Kismaayo xili ay kala saxiixdeen Heshiisyo muhiim ah

50

Kismaayo(INO)-Wafdigii balaarnaa ee ka socday maamul goboleedka Koonfur Galbeed Somalia ee uu hogaaminayay madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada kismaayo ka sagootiyay madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubaland Suldaan Cabdulqaadir Lugadheere,qaar kamdi ah wasiirada maamulka Jubaland,siyaasiyiyiin iyo qaar kale.

Wafdiga Koonfur Galbeed ayaa muda sadax maalmood ah ku sugnaa magaalada Kismaayo waxayna heshiiyo dhinacyo badan taabanaya la saxiixdeen maamul goboleedka Jubaland.

Socdaalka Madaxweyne shariif xasan ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid miro dhal u ahaa Maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya, iyadoona halkaasi uu Heshiis ilaa afar qodob kula saxiixday Madaxweynaha Mamaulka Jubbaland.

Sidoo kale, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhankiisana lagu wadaa inuu gaaro Magaalada Baydhabo, waxa ayna booqashadiisu noqon doontaa tii ugu horeysay uu halkaasi ku gaari doono.

Si kastaba ha ahaatee, labada Maamul ayaa laga sugayaa dhaqan galinta Qodobadii kasoo kala baxay labada Maamul.

shariif1shariif3shariifIdale News Online, Kismaayo.

You might also like More from author

Comments are closed.