Dhageyso:Saraakiisha degmada Waajid oo ka hadlay dad lagu dilay Gobolka

0 49

Waajid(INO)-Kadib markii maalintii shalay ay koox hubaysan ay rasaas ku fureen gaari kasoo amba baxay gobolka Bari kuna sii jeeday Bay ayaa waxa saraakiisha degmada Waajid ay ka warbixiyeen qaabka arintaasi u dhacday.

Waajid

Gudoomiyaha degmada Waajid Cabdulaahi Maxamed Aadan ayaa u sheegay Warbaahinta  in dhacdaasi ay jirto ayna rumaysan yihiin in ay ka dambeeyaan rag  ka tirsan Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha waxa uu xusay in dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi loo qaaday xarumaha caafimaad,dadkii meesha ku dhintayna ay kamid yihiin dumar gaariga saarna.

Gudoomiyaha waxa uu ka gaabsaday sababaha rasmiga ah ee loo beegsan karo gaarigaasi oo ay dad rakaab ah saarnaayeen.

Halkan Ka Dhageyso Codka Gudoomiyha Degmada Waajid.

Dhinaca Al-shabaab ee eedeynta loo jeediyay ma aysan ka hadal gaariga la rasaasseeyey ee maamulka degmada kasoo yeeray.

Idale News Online, Waajid.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.