Dhageyso: Dowlada Kenya oo dalbatay in loo soo Gacan galiyo Kuxigeenkii Axmed Godane

0 52

Muqdisho(INO)-Shalay Ciidamada Milatariga Soomaaliya waxaa Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ay ku qabteen Sargaal sare oo ka tirsan Al-shabaab islamarkaana lagu Magacaabo Sakariye  Cismaaciil Xirse oo la sheegay in uu ahaa Kuxigeenkii Hogaamiyihii Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

axmed godobe

Intaa ka dib ayaa Dowladda Kenya waxaa ay  Dalbatay in loo soo gacan galiyo Sakariye oo Dowladda Mareykanka iyo Dowladdaha Dariska ay baadigoobayeen .

Cabaas Maxamed Gureey oo ah Taliyaha Ciidamada Milatariga ee Gobolka Gedo ayaa Warbaahinta u sheegay in aysan Kenya ku Wareejineyn Sakariye Cismaaciil  Dowladda Soomaaliya kaliya lagu wareejinayo,Maadaama uu Sakariye Al-shabaab ka baxay Sanad iyo Bar ka hor.

Halkan Ka Dhageyso.

Sakariye ayaa Dowladda Mareykanka waxaa Sanadkii 2012 ay Madaxiisa Duldhigtay Lacag gaareeysa 3Milyan oo Dollar,asaga iyo Saraakiil kale oo Al-shabaab ka tirsan qaar koodna la dilay.

Idale News Online, Muqdisho

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.