Dhageyso: Dab Xoogan Oo Xaley Ka Kacey Magaalada Burco

56

Burco(INO)-Dab qasaare hantiyadeed geestay ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka kacay magaalada Burco ee gobalka Togdheer.

dab_4

Dabkaan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa wararka waxay sheegayaan in uu bas beeliyay Hotel, Bakhaaro iyo Bacadle halkaasi ku yaalay.

Shacab badan iyo sidoo kale dowladda hoose ee Burco ayaa iska kaashaday sidii dabkaasi lagu damin lahaa, waxaana warar aynu helnay ay ay tilmaamayaan in dabkaan uu Koronto ka dhashay.

Halkan Ka Dhageyso Codka.

Abaare Waabarigii saaka ayaa lagu guuleystay in dabkaasi la damiyo sida uu Warbaahinta u sheegay mid ka mid ah wariyaasha halkaasi kusugan.

Ciidamada Booliiska oo haatan halka dabka ka kacay ku sugan ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan sababta rasmiga ah ee dabkaan u kacay iyo sidoo kale in ay ogaadaan qasaaraha inta uu la egyahay.

Idale News Online, Burco, Togdheer.

You might also like More from author

Comments are closed.