Dhageyso:Cabaas Gureey oo arimo ku saabsan ku xigeenkii Godane sharaxaya

48

Gedo(INO)-Taliyaha ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa faah-faahin ka bixiyay Sakariye Ismaaciil Axmed, oo Alshabaab ka tirsanaa kuna soo biiray dhanka dowlada Soomaaliya isagoo iska dhiibay degmada Ceel-waad ee gobolka Gedo.

Ciidamada-Kg

Taliyaha wuxuu sheegay in sarkaalkaasi ay gacanta ku hayaan ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceel-waaq, isagoo sheegay in marnaba aysan dhici doonin in ciidamada Kenya loo gacan geliyo.

Korneyl Cabaas Gureey, ayaa sheegay in ruuxaasi uu horay hal mar u arkay, laakiin iminka ay ku hayaan degmadaasi laguna wareejin doono dowlada Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso.

Sakariye Ismaaciil, ayaa kamid ahaa rag dowlada Mareykanka ay dul dhigtay dhaqaale badan, wuxuuna dilkii Godane kadib kamid noqday dadkii ka baxsaday dhanka Alshabaab.

Idale News Online, Gedo,

You might also like More from author

Comments are closed.