Diyaarad laga leeyahay Malaysia oo siday 155 rakaab ah oo lagu la`yahay hawada dalka Indonesia

0 67

Jakarta(INO)-Wakaaladaha wararka dalka Indonesia ayaa saaka oo axad ah baahiyey in diyaarad rakaab ah oo ku sii jeeday dalka Sengabuur, ayna saarnaayeen 155 ruux uu go`ay xiriirkii ay la laheyd barta laga hago diyaaradaha.

Air Asia Airbus A320neo A320 NEO

Wargeyska lagu magacaabo Jakarta Globe ee ka soo baxa dalka Indonesia ee lagu afka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradaan nooceedu yahay Air-Buss oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee lagu magacaabo Air Asia ay ka soo duushay magaalada Surabaayaa ee dalka Indonesia iyadoo ku sii jeeday dalka Sengabuur saacaddu markii ay aheyd 05:00 waqtiga dalka Indonesia, wuxuuna qorshaha ahaa in ay caga dhigato meesha ay ku sii jeeday saacaddu markii ay aheyd 08:30 waqtiga dalkaas, waxaana xiriirkeeda la waayey iyadoo dul mareysa badda Java ee dalka Indonesia saacaddu markii ay aheyd 07:24 waqtiga dalkaas.

Diyaaraddaan ayaa siday 155 rakaab ah, waxayna isugu jireen 138 dad waaweyn ah iyo 16 caruur ah oo uu midkood uu weli hooyadii naaska ka jaqayey, waxayna wararku sheegayaan in shaqaalaha diyaaradda ay ka koobnaayeen 7 xubnood oo ay ka midyihiin 2 duuliye.

Rakaabka diyaaradda ayaa waxay ka soo kala jeedeen dhowr jinsiyadood, waxayna kala ahaayeen 149 Indonesia ka soo jeeddo, 3 u dhashay dalka Korea-yada Koonfureed, saddex u kala dhalatay Britain, Sengabuur iyo Malasia.

Daqiiqadihii ugu dambeeyey ayuu sheegay Hadi Mustafa oo ah masuul ka tirsan wazaaradda duulista hawada dalka Indonesia in diyaaradda ay wajaheysay xaalad cimilo oo aad u adag, waxayna dalbatay in ay marto khad aan looga baran in ay maraan diyaaradaha shirkadda Asian Air ee laga leeyahay dalka Malasia.

Shirkaddaan ayaa sheegtay in ay socdaan hawlaha raadinta iyo soo badbaadinta , waxayna shirkadda sheegtay in ay wada shaqeyn buuxda la leedahay dhamaan dhinacyada ay khuseyso sida ay ku sheegtay bayaan ka soo baxay xafiiskeeda.

Idale News Online, Jakarta.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.