DHAGEYSO:Ururka Al Shabaab oo sii daayey Culimo Afduub U heysteen

0 146

Baydhabo(INO)-Dhawaan ayaa waxa xadka ay wadaagaan Gobollada Bay iyo Shabellaha Hoose laga afduubtay Culimaa’udiin katirsan Ahlusuna Waljamaaca kadib markii ay kasoo laabteen siyaaro ay kaga soo qeyb galeen Magaalada Baydhabo.

al-shabab-Somalia

Culimadaan ayaa waxa la sheegay inay tiradooda gaareysay 9 ilaa 12 ruux waxaana dadka qaar ay inoo sheegeen in hadda ay dib xoriyadoodii u heleen.

Halkan Ka Dhageyso Sida Lagu Siidaayey Culumaa”udiinka Ahlusuna wal jameeca Ee Al-shabab Dhawaan Afduubeen.

Mid ka mid ah Culimada Ahlusuna qaar kamid ah ragga la afduubtayna si dhaw ula socday xaaladooda ayaa xaqiijiyey in shalay Talaadadii lasoo daayey walaw aysan weli Muqdisho gaarin.

Culimadaan ayaa waxa Afduub uheystay Dhaq dhaqaaqa Xarakada Al Shabaab kuwaasi oo ku hayey sida la sheegayo Deegaan katirsan Gobolka Bakool iyadoona loo qoonsaday ama Al Shabaab ay weydiiyeen qabuuro caabudka ay sameeyeen inkastoo markii dambe culimadaasi lasoo daayey.

Idale News Online, Baydhabo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.