Al Shabab& Shirkada Hormuud oo isku dhacay + Sarkaal sare oo shabaabka ka baxsaday & isgaarsiinta oo hawada laga saaray.

0 121

Xabaalbarbaare(INO)-Wararka ka imaanaya deegaano ka Tirsan gobalada Bay & Gedo ayaa sheegaya in Xarakada Alshabab ay jartay Isgaarsiintii shirkadda Hormuud.

telecom_tower1
Degmooyinka ay Alshabaab maanta ka jareen isgaarsiinta waxaa ka mid ah Xabaal Barbaar, Idaale, Raamacadey,  Baardheere, Ceel-waaq, Ufurow iyo Diinsoor oo ka kala tirsan gobalada Gedo iyo Bay ee Koonfurta Soomaaliya.


Waxaa gebi ahaanba alshabaab ay amar ku bixiyeen in la damiyo xafiisyada shirkadda Hormuud ee degmooyinkaasi ka dib markii Hormuud iyo ALshabaab uu soo kala dhex galay muran aad u xooggan.


Dad ku sugan degmada Diinsoor waxay sheegeen Warbaahinta Idale News Online ka Hor Inta La Jarin Isgaarsiinta  in madaxii maaliyadda Alshabaab ee degmadaasi oo baxsaday.

Madaxda Alshabaabna hormuud ay weydiisteen inay soo bandhigto lacagaha ninkaasi iyaguna ay diideen.

Warar kale oo aan helnay waxa ay sheegayaan in masuulkani uu u baxsaday dhanka magaalada Baydhabo Janaay.

Idale News Online, Xabaal Barbaare, Bay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.