Agaasimihii Wasaarada Haweenka Dowlada Soomaaliya oo la Afduubtay

0 135

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Haweenka Xukumaddii Kalsoonida lagala noqday Maxamed Cumar ayaa Xalay Kooxo Hubeeysan ay kala baxeen Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

breakingnews

Wararka waxa ay sheegayaan in agaasimaha Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqda Aadanaha Maxamed Cumar lagala baxay xalay saqdii dhexe Gurigiisa oo ku yaalla degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.

Arrintaani oo ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Madaxda Wasaaradda iyo shaqaalaha ayaan la ogeyn cida ka dambeysa ee la baxday Agaasimaha.

Waxaa Warku uu intaa ku darayaa in Koox dableey ah ay xalay Saqdii dhexe isagoo Gurigiis Jiifa lala baxay,lamana oga Cida la baxday.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqda aadanaha Qadiijo Maxamed Diiriye ayaa la filayaa in maanta galinka hore ay qabato Shir jraa’id oo ay kaga hadleyso arrimaha Agaasimaheeda.

Idale News Online, Muqdisho

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.