Meydadka dad la gowracay oo Maanta lagu arkay Degmada Buur Hakaba

75

Buurhakaba(INO)-Sida ay usheegeen Warbaahinta Idale News Online  dadka deegaanka waxa Maata lagu arkay Degmadaasi meydadka labo ruux oo shacab ahaa oo qoorta laga jaray.

Dil

Ilaa hadda lama oga waxa loo dilay labadaan qofood waxaase dadka deegaanka ay cabsi iyo wal wal ka qaadeen markii ay arkeen meydadkaasi la qoor gooyey.

Maamulka degmada Buur hakaba ayaa ku Eedeeyey falkaan foosha xun inay ka dambeeyeen Ururka Al Shabaab inkastoo weli Al Shabaab aysan ka hadlin falkaasi lagu dhaleeceeyey.

Dhalinyarada meydkooda lagu arkay Buur hakaba ayaa la sheegay inay ahaayeen dadka deegaanka waxaana aysan aheyn markii ugu horeysay oo dad lagu gowraco deegaano katirsan Gobollada Bay & Bakool.

Idale News Online, Buurhakaba

You might also like More from author

Comments are closed.