DHAGEYSO:Hay’adda Nabad Sugida oo maanta Muqdisho ku soo bandhigtay Xasan Xanafi +Daawo Sawirada

83

Muqdisho(INO)-Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa maanta Muqdisho ku soo bandhigtay horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka suxufiyiinta oo lagu magacaabo Xasan Xanafi Xaaji.

Amiir Xasan Xanafi waxaa laga soo qabtay Dalka Kenya, iyadoo ay soo qabteen ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee “NISA” oo gacan ka helaya sirdoonka Kenya, waxaana saraakiisha hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ay sheegeen inay ku socoto baaritaanno, isla markaana goordhaw sharciga la horgeyn doono.

Halkan Ka Dhageyso

Afhayenka Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Xasan Xanafi uu soo maleegay shirqoolo dhowr ah oo lagu dilay wariyeyaal ay ka mid yihin Allaha u naxariistee Mahad Axmed Cilmi, Sheekh Nuur Maxamed Abkey, Saciid Tahliil, Muqtaar Maxamed Hiraabe iyo Suxufiyiin kale.

 

??????????????????????????????????????????????????????????????

Idale l News Online, Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.