Wax badan kabaro musharaxiinta u taagan Qabashada xilka Raiisul wasaaraha soomaaliya

105

Muqdisho(INO)-Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu weli wadaa Latashiyo uu ku baadi goobayo Ra’isulwasaaraha Cusub ee Somalia, waxa uuna Dadaal xoogan ku bixinayaa sida uu ku heli lahaa R/wasaare ku fakir noqonkaro si Khilaaf looga badbaado.

La taliyayaasha Madaxweyne Xassan ayaa waxaa kamid ah Faarax Sheekh C/qaadir oo kaalinta koowad ugu jiray Mooshinwadayaashii kasoo horjeeday R/wasaarihii kalsoonida waayay.

News_live_logo_

Shabakadda  Sahal News Online, oo dadaal dheeri ah ku bixisay wax ka Ogaanshaha Shaqsiyaadka ugu cadcad qabashada Xilkaasi ayaa waxaa inoo suuragashay helida Liiska soo socdo:-

  • Haabiil cabdi heybe aqoon yahan soomaaliyeed oo ku nool yurub
  • Bashiir Nuur Bidaar Musharax hore
  • Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka KMG wasaarada Maaliyada.
  • Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka.
  •  Saciid C/llaahi Den, oo horey Wasiir Qorsheynta uga soo noqday Xukuumadii C/wali Maxa’ed Cali Gaas.
  • Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda.
  • Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo Xubin firfircoon ka ah Baarlamaanka.
  •  Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka.
  • C/laahi Ciilmooge oo Wasiir kasoo noqday Xukuumadii Shirdoon.

Sidoo kale waxaa jiro hadal heyn ku aadan Xubno kale oo iyaguna u sharxan Xilka R/wasaarenimo, inkastoo Madaxweyne Xassan uu xooga saarayo sidii uu shaqsiyaadkaani kor ku xusan uga soo dhex saari lahaa R/wasaaraha Cusub.

Arrinta la fili karo ayaa ah,ra’iisul wasaaraha cusub inuu ka imaan karo beelaha Leelkase, Majeerteen iyo Ogaadeen,balse ma jirto cid si rasmi ah u caddeeysay.

Ugu dambeyn,xoggaha aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynuhuu uu doonayo si dhaqso ah inuu ku soo magacaabo ra’iisul wasaaraha,maadaama ay waqti badan ku qaadatay soo magacaabistii ra’iisul wasaarihii hore.

Idale News Online, Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.