Waxgaradka Beesha Hubeer Oo Tacsiyo Tiiraanyo Leh U Direy Eehaladii Uu Ku Geeriyoodey Wariye CabdiQaadir Axmed Mayow(Maynod)

0 130

Baydhabo(INO)-Waxgaradka, Beesha Hubeer oo ku nool Daafaha Aaduunka ayaa waxay  tacsiyo tiiraayo leh ay soo gaarsiyeen, shabakada warbaahinta Idale News Online, Taaso ku wajahan Guud Ahaan Shacabkii Shaley Lagu xasuuqey Degmada Baydhabo, gaar ahaan waxay tacsiyo Si Gaar Ah ay  u diriyeen Eheladii iyo Qaraabadii uu Ku geeriyoodey Wariye Cabdi Qaadir Axmed Mayow (Maynod).

Wariye Maynod Ayaa Waxa Uu Ahaa Wakiilka TV Somalichanell  Ee Gobolada Koonfur Galbeed soomaaliye isla markaana  Wuxuu  kale u shaqeeynayey, Radio Sky FM Ee Magaalada Muqdisho.

Odayaal, siyaasiyiin, Xildhibaano iyo Dhalanyaro Ka Soo jeeda Beesha Hubeer Ayaa  si weyn u Cambaareyeen  Xasuuqaasi Loo Geystey Shacab Aan wax galabsan isla markaana waxay ku baaqeen in La Sugo Amaanka Magaalada Baydhabo Janaay.

Waxay Alle Ugu Baryeen Inuu Geeyo Janadiisa Firdowsa, dadkii ku dhintey, Magaalada Baydhabo, kuwii Ka Dambeyn Ee Falka Soo Maleegeyna Cadaalad La Keeno.

Beeshu, Waxay, sidoo Kale ay u rajeyneysa, Dadkii  Ku  dhaawacmey Qaraxii shaley, inuu Alle Siyo  Caafimaad  Ah isla  markaana, waxay  Maamulka Gobolka Bay Ee dowlada Soomaaliya Ku Dhaliilshey, Habacsanaan ta Ka Jirta Magaalada Baydhabo, iyadoona  Magaaladaasi Ay sugan Yihiin Ergoyinkii  Dhisey Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Ee 3da Gobol.

Tacsi

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Idale News Online, Baydhabo

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.