Qaramada midoobey oo soo magacowday Kuxigeenka Nicholas Kay

96

Xoghayaha guud ee qaramada midoowe mr Ban-Kimoon ayaa umagacaabay Raisedon Zenenga oo kasoo jeeda wadanka Zimbabwe inuu noqdo kuxigeenka uqaabilsanaha qaramada midoowe ee Somalia.

Afhayeen uhadlay qaramada midoowe oo lagu magacaabo Stephane Dujarric ayaa sheegay in mr ban oo soo magacaabay Zenenga kadib markii uu arkay howl karnimadiisa.

Zenenga ayaa badalaya ms  Fatiha Serour oo kasoo jeeda dalka Algeria sida uu sheegay Dujarric “ xoghayaha qaramada midoowe  aad buu ugu mahadnaqayaa inta shaqada ay soo haysay ms Serour ,qaasatan taageerada dhanka siyaasada hormarka iyo dhanka xuquuqda aadanaha Somalia “ ayuu lagu yiri warbixin kasoo baxaday mr Ban.

Kuxigeenkan cusub ee hada lasoo magacaabay waxa uu hayaa xilka kuxigeenka uqaalsanaha qaramada midoowe ee howlgalka koonfurta Sudan.

Mr.-Raisedon-Zenenga

Zenenga ayaa kasoo shaqeeyay xarunta qaramada midoowe ee New York mudo 10 sano ah ,wuxuuna sidoo kale kaqeybqaatay howlgalo nabad ilaa lineed oo ay qaramada midoowe kasameesay qaaradan Africa.

Waxaa uu kabaxay mr Zenenga jaamacada Zimbabwe waxa uu darajada koowaad kaqaatay kuliyada maamulka iyo siyaasada,hada waa aabe leh 3 caruur ah.

Idale News Online, Baydhabo

You might also like More from author

Comments are closed.