Daawo Sawiradda: Wefdiga Puntland uga qayb galaya Caleemo saarka Shariif Xassan oo gaaray Muqdisho,kuna wajahan Baydhabo Janaay

98

Wafdi ka socda Dawladda Puntland uuna hogaaminayo wasiirka caddaaladda Puntland Ismaciil Max’ed Warsame ayaa maanta 02, Dec, 2014 waxay u anba bexeen magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka koonfur galbeed Somalia, halkaas oo ay kaga qayb geli doonan caleema saarka Madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirada Warfaafinta,Deegaanka,Dastuurka xubno ka tirsan  golaha wakiilada iyo Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Dawladda Puntland ayaa si rasmi ah uga qayb galaysa caleema saarka Madaxweyne Shariif Xasan Sheikh Aadan, ka qaybgalkaas oo salka ku haya siyaasadda Puntland ee ku wajahan baahinta nidaamka federaalka ah iyo maamul goboleed-yada waafaqsan dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya.

Wafdiga ayaa maanta galinkii hore ka dagay Garoonka Muqdisho,oo ay uga sii gudbi doonaan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Bay.

20141202_13364320141202_13370320141202_13373620141202_13391220141202_13395720141202_13402020141202_13421520141202_13561220141202_16074220141202_16075120141202_16080620141202_161240

 

Idale News Online, Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.