Taliyaha booliska Kenya oo xilka iska casilay iyo Wasiir Xilka laga qaaday

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo Saacado ka hor la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in uu warqad shaqo ka firiisi ah u soo gudbiyay taliyaha ciidanka booliska David Kimaiyo,islamarkaana uu ka aqbalay
Kenya
Madaxweyne Uhuru ayaa sidoo kale sheegay in xilka laga qaaday wasiirkii Arrimaha gudaha Joseph Ole Lenku oo mudo 20-bilood ah xilka hayay,waxana lagu bedelay Jeneraalka shaqada ka fariistay ee Joseph Nkaissery oo loo magacaabay wasiirka cusub ee arrimaha gudaha.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay baarlamaanka in ay baaraan wasiirkan cusub,islamarkaana ay ansaxiyaan Wasiirkaasi Cusub si uu Shaqadiisa u bilaabo.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in uu baarlamaanka u qoray waraaq codsi ah oo u kaga codsanaya in ay dib u dhigaan fasaxii ay aadi lahaayen si loo dhameeyo howlo dalka quseeyo oo hor yaallo.

Arrintaan ayaa ku soo aadeyso iyadoo labo Weerar ay bishaan gudaheeda ka dhaceen Duleedka Magaalada Mandheera iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay gudaha Dalkaasi Kenya.

 Idale News Online, Nairobi

Comments are closed.