C/qaasim Salaad Xasan oo runta u sheegay madaxweynaha & Ra’iisul wasaaraha

138

Cairo(INO)-Iyadoo khilaaf uu u dhaxeeyo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka ayaa madaxweynihii hore Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa u sababeeyay dastuurka dalka Soomaaliya.

Madaxweyne C/qaasim wuxuu sheegay in caqabadaha ugu badan  ay ka yimaadaan awoodaha dastuurka ee ay kala leeyihiin madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka ay yihiin kuwo isku qasan, sida uu hadalka u dhigay madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Khilaafka haatan taagan marxalado badan ayuu soo maray laga soo bilaabo dowladii Carta, qaladka ugu weyn waa dastuurka dalka, waxaa haboon in dastuurka lagu kala saaraa awoodaha madaxda, tan xigtana waxa weeye shacabka Soomaaliyeed khilaaf wey ka daaleen, wax faa’ido ahna ma jirto”.

C/qaasim Salaad Xasan ayaa dhanka kale sheegay in khilaafka madaxda dalka uu sababayo caqabado ka hor imaan kara horumarka laga gaaro dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya.

“Caqabad weyn bey horumarka dowlada ku tahay, amaankana ku tahay, sidoo kale waxay caqabad ku tahay taageeradii laga heli lahaa dowladaha caalamka, marka maba haboona ee waa inay ka gudbaan”.sidaasi ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

“waxaan ku talinayaa waxgaradka wax laga maqlayo iyo culumaa’udiinka inay la hadlaan madaxda is qilaafsan, si khilaafka loo dhameeyo sababtoo ah khilaafi dan kuma jirto”ayuu hadalkiisa kusii daray C/qaasim.

qasim_dagaal1226433667

Idale News Online, Cairo

You might also like More from author

Comments are closed.