Wasiirka Beeraha Soomaaliya Oo Ka Warbixiyay Shir Uu Kaga Qeyb Galay Dalka Dibadiisa

146

Muqdisho(INO)-Wasiirka Beeraha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay shir uu uga qeybgalayay magaalada Nairobi, kaasoo looga hadlayay horumarinta Beeraha.

Baafo

Cabdi Maxamed Axmed “Baafo” oo ah wasiirka Beeraha ayaa sheegay in magaalada Nairobi uu uga qeybgalay shir looga hadlayay horumarinta beeraha, wuxuuna tilmaamay in uu shirkaasi ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayo qorshaha wasaarada ee ku wajahan horumarinta iyo sare u qaadidda wax soo saarka beeraha.

“Shirkan wuxuu daba socday shir caalami ah oo looga hadlayay nafaqada Beeraha kaasoo la qabtay sanadkii 1992-dii, waxaa la eegayay maxaa soo kordhay, maxeey yihiin caqabadaha cusubee soo kordhay, maxaa loo bahanyahay, side ayeey tahay in wax looga qabto” ayuu yiri wasiirka Beeraha.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in wasaaradda ay ka go’antahay sidii ay u horumarin laheeyd,  wax soo saarka beeraha dalka, isagoo intaa ku daray ineey wasaaraddu waddo qorshayaal hore loogu dhigayo, nafaqeeynta beeraha, si loo dhiirigeliyo beeraleyda.

Idale News Online, Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.