Tarsan oo Maanta Muqdisho Uga Dhawaqay Urur Siyaasaded Cusub

127

Muqdisho(INO)-Munaasabadaani oo aheed mid si heer saro ah loosoo agaasimay ayaa waxaa  ksoo qeyb galay xildhibaano ka tirsan baarlmaanka soomaliya  siyaasiin odayaal dhaqameed  bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa waxaa lagu daah furayay xisbi siyaasadeed uu hogaaminaayo gudoomiyahii hore ee gobolka banaadir  maxamed axmed nuur tarsan.

TARSAN

Qeybo kala duwan oo kahadlay madasha ayaa muujiyey ahmiyada xisbiga cadaalada iyo bulshada oo sida ay sheegeen dhinacyo badan kaga duwan xisbiyada kale ee dalka kajira marka loo eego bey yiraahdeen hadafka xisbiga iyo ujeedooyinka uu leeyahay oo ku saleysan isku filnaasho dhaqaale oo ay gaaraan dalka iyo dadka Soomaalida.

Gudoomiye Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo kahadlay hadafka xisbiga ayaa muhiimadaha ugu horeeya ee loo aas aasay xisbigan ku tilmaamay in lahelo cadaalad dhab ah iyo qodobo kale oo muhiim u ah dalka waxaana uu muujiyey kalsoonida xisbiga ee ku wajahan in uu horseedi karo isbadel muuqda.

Idale News Online, Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.