Dhageyso:Munaasabad lagu weyneynayay Habeenka Dhaqanka oo Muqdisho lagu qabtay

97

Munaasabadani oo lagu waynaynayay  dhaqanka  iyo   hida    ay dhaxalka  u leedahay    bushada Soomaaliyeed  ismarkaana  dhalinta  lagu  baraarujinayey ahmiyadda  uu u  leedahay  ilaalinta  dhaqankoodu   ayna   soo qaaban qaabisay  hay’ada    wacyi  galinta  bushada ee CCA   ayaa  xalay lagu qabtay  magalada muqdisho, waxaana    ka qayb  galay   Wasiirka Warfaafinta  Xildhabaano  ka tirsan  baralamaanka  federalka Somalia    mas’uuliyiinka    katirsan   xafiiska  ra’iisal wasaraha  dalka xubo  ka socday  maamaulka  gobolka   siyasiyiin      abwaano iyo   boqol  dadwayne  ah  oo  iska  gala  yimid 17  degmo ee  qabolka  Banaadir una   badnaa  dhalinro .

SYL16

Manabadaani oo loogu  magac daray   habeenka  dhaqanka  Somalida   ayaa   lagu soo  ban dhigay     qaar ka mid ah  ciyaaraha  dhaqanka    somalida   sida   sayliciya   shab shabley mataneey  iyo    agabyada    hida    ee laga    adeegsato   guryaha  waxaana  heeso  iskugu  jiray wadani   iyo  kuma  lagu  waynaynayo   dhaqanka  kaqadayey   fanaaniin ka soo qayb gashay Munaasabadaas iyadoona  ay siwayn  buslshada Soomaaliyeed ee ka qayb   gashay  munasabadaaasi  oo  ka mid ahaayeen    mas’uuliyiinta  ay u soo jiidatay  hees ay qadeen  ubaxa xidigta Qaranka oo ah   caruur  da’yar  ismarkaana ay   barbarisay  fanan  muslimo qaasim.

gudoomiyaha   hay’da  CCA Maxamed  ibrahin   cali  maxamed cajiib oo ka hadalay   munabadasi  ayaa  ka warbiyey sababta ku dhalisay   in ay qabtan   Munaasabadaan Xalay waxaana uu ujeedka ku sheegay in dhaqanka oo sii liicaya markii ay Hay,adu aragtay ay go.aansatay in ay wacyi galin Bulshada u qabato.

Abwaan  Maxamuud Cabdulahi Ciise  Sangub  Gudoomiyaha  Golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed oo isna ka hadlay Munaasabadaas ayaa Waxaa uu  sheegay  in   dhaqanka oo sidii loo weyneyn lahaa laga hadlayo ay Muujineyso Wada Jirka Bulshada Soomaaliyeed wax lagu farxana ay tahay taasi.

Wasiirka Warfaafinta  Xukuumada Federaalka ah Ee Somalia Mudane  Mustaf  Sh. Cali  Dhuxulow    oo ka   Gaba gabadii ka hadalay  munaasabadda loogu magac daray habeenka  dhanka   ayaa sheegay  umadkasta  oo calamka u nool in ay  leedahay  dhaqan u gaar ahSomaliyana  laga rabo in ay ilaashadaan   dhaqankooda    wanaagsan   Isagoona xusay dhaqanka  Soomaaliyeed oo la  barto in ay  dhalinteena   uu ka  hor  istagoyo  in  ay  galaan falalka Argagixisanimada ah .

 

 Idale News online, Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.