Akhriso:Khudbaddii Madaxweynaha uu Ka Jeediyey Shirka Copenhagen

149

Copenhagen(INO)-Haddii aad baarto buugaag ku saabsan Soomaaliya, waxaad arkaysaa ciwaano muujinaya qab iyo qalalaaso sida “Dalka adduunka ugu halista badan” “ Dalka sharci darada ah” iyo “Dalka fashilmay” ama “Dalka tabarta daran”. Sanooyin badan Soomaaliya waxaa lagu yaqiiney burcad badeed, argagixiso, iyo sharci la’aan baahsan.

Balse Soomaaliyadaas ma jirto hadda, waxay ahayd Soomaaliyadii shalay, xaqiiqdiina marnaba ma ahan Soomaaliyada barito.

Bishii September, 2012-kii Soomaaliya waxa ay u ahayd taariikh xusuus mudan iyada oo la dhisey hey’adihii federaalka Soomaaliya si ku dhisan wadatashi iyo go’aan laga mideysanyahay, taasi oo ay si buuxda u aqoonsatay beesha caalamka. Waxa ay ifafaalo u ahayd casri nabad, xasilooni iyo barwaaqo ay gaareen dadka Soomaaliyeed oo dhan.

Arrimaha nasoo wajahay aad ayay u badnaayeen, ma aanan lahayn hey’ado dowladeed, awood umaanan lahayn, kheyraad dhaqaale ma aanan heysanin, shuruuc maanan heysanin, mana jirin wax dal lagu aqoonsan karo. Dalka waa uu kala qeybsanaa, mana jirin dariiq lagu mideyn karay. ALshabaab iyo kooxo kale oo hubeysan ayaa ka talinayay dalka intiisa badan. Waxaa kaliya oo jirey hey’ado asaasi ah oo dowli ah, shaqada na hortiileyna waxa ay ahayd mid aad u badan, sidoo kale rajada ay dadka naga qabeene waxa ay ahayd mid aad u saraysa.

Labadii sano ee lasoo dhaafay waxaan xoogga saarnay dhismaha asaaska dowladnimo, inagoo u gogol xaarnay xasilinta dalka iyo isbadal. Talaabooyinka waxaa hagayay barnaamijka Hiigsiga cusub ee lagu meelmariyey Brussels sanadkii 2013-kii.

Heshiiska Hiigsiga wuxuu ahaa mid iskaashi uu ku dhexmarayo Soomaaliya iyo beesha caalamka, taasoo lagu saleeyey isla xisaabtan labada dhinac ah, qeybsiga halista.

Qorshaha Hiigsiga waxa uu ifinayaa muhiimada ay leedahay lahaanshiyaha Soomaalida iyo Hogaaminta, iyada oo lagu salaynayo muhiimadaha la’isla waafaqay, laguna gaaray wadahadal iyo dib u heshiisiin la joogteeyey.

 

shirka  Copenhagen

Iyada oo laga shidaal qaadanayo qodobada la tiigsanayo ee shanta ah ee Hiigsiga Cusub, dowladda Federaalka een Soomaaliya oo kaashanaysa beesha caalamka iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa waxa ay dhigeen dhagxaantii asaaska u ahayd dhismaha qaran, dib u habaynta garsoorka, dowlad wanaagga, caadiyeynta joogista Soomaaliya ee masraxyada adduunka, xoojinta xiriirka aan la leenahay wadama dariska ah, dib u habaynta wakaaladihii dowladda ee muhiimka ahaa., samaynta golayaal wadatashi, wado u xaarista isbadal siyaasadeed, iyo waliba dajinta naqshad isku xireysa kaalmada beesha caalamka iyo muhiimadaheena, iyada oo la raacayo heshiiska Hiigsiga Cusub.

Waxaan dhisney wax ka badan 50km oo wadooyin ah oo lagu xirey leerarka cadceeda ku shaqeeya, waxaan fidiney adeegyada caafimaadka ee asaasiga ah meelo kala duwan oo dalka ka mid ah, waxaan dayactirney garoomada iyo dekedaha dalka, samaynay xarumo jimicsiga iyo isboortiga dhalinyarada, waxaan aad u fududeyney galaangalka shacabka u leeyihiin garsoorka, waxaan sidoo kale xoojiney qeybaha beeraha iyo kalluumeysiga qeybo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah. Qeybtii waxbarashada dadweynaha ayaa lasoo nooleeyey, markii ugu horeysey 20 sano sano waxaan ku guuleysanay wax ka qabashada arrintii murugada lahayd ee ahayd in jiil dhan oo Soomaaliyeed aysan iskuul aadin, inagoo furney iskuulaad dadweyne, waxaana la qorey illaa 78 kun oo arday cusub ah, soona nooleyney waxbarashada dadka waaweyn ee xiligii waxbarashada dhaafay.

Waxaan horumar ka samaynay maamulka maaliyadda, anagoo meel ool ka dhigney isla xisaabtan adag, kormeer iyo dowlad wanaag. Horumarka la sameeyey waxaa aad loogu faahfaahiyey warbixinta heshiiska Hiigsiga Cusub ee lasoo saaray sanadkani 2014-ka shirkani ka hor. Waxaa beerka na dhaqaajinaya horumarka la taaban karo ee la gaaray kaasi oo dalka ka sii saaraya in uu ahaado dal fashilmey.

Inaga oo tiigsanaysa labada sano ee soo socda, waxaa naga go’an in aan meelmarino sharciyada muhiimka, samaynta gudiyada heerka qaran, hubinta wadatashi bulshada ay kasoo wada qeybgasho iyada oo lagu hiranayo sanadka 2016-ka.

Waxaa naga go’an in aan balaarinaa aragtideena ku wajahan horumarinta nolosha Soomaalida, tani waxa ay nagu qasbeysaa in aan hubanti ka dhigno dajinta qorshayaal xasilin ah oo isku xiraya dowladda iyo shacabka, ka guuleysashada ALshabaab, ciribtirka musuqmaasuqa, hirgalinta qorshaha canshuuri uruurinta taasi oo lacagta la uruuriyo loo isticmaali doono dhismaha iskuulaadka ay dhiganayaan caruuraheen, shaqo u abuurista da’ yarta, samaynta xarumo caafimaad oo ay tagaan qoysaskeena. Waxaa naga go’an soo saarista kheyraadka uu leeyahay dalkeena oo loo isticmaalo wanaagga Soomaalida oo dhan. Waxaan hubanti ka dhigi doonaa abuurista deegaan ku haboon maalgashiga iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay in ay ku bulaalaan. Si aan tan u samaynana waxaan u baahanahay kaalmo farsamo oo la xiriirta maarteynta kheyraadka, waxaana uu wadahadal noo socdaa dhinacyo iskaashi nagala dhaxeeyo oo caalami ah, oo ay ku jirto dowladda Norway.

Soomaaliya maanta waxa ay taagantahay isgoys xasaasi ah, iyadoo lagu jiro dadaalka in l;a gaaro nabad iyo xasilooni. Sanadkii lasoo dhaafay waxaa aad usoo xoogeystey falalka kooxaha argagixisada adduunka meelo kala duwan, maanta meelaha ay gaari karaan kooxaha argagixisada kuma koobna dal gaar ah, waa arin caalami ah oo u baahan talaabo caalami ah.

Si ka badan dal kasta oo kale oo tabar daran, Soomaaliya waxa ay samaysay horumar balaaran dhanka la dagaalanka argagixisada. Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada AMISOM ayaa qaaday hawlgalo waaweyn, hadana waxaan heysanaa inta badan Soomaaliya.

Argagixisonimada laguma jabin karo hawlgalo ciidan oo kaliya, waxa ay nagu hayaan halis badan oo xagga aragtiyada diinta ah, taasina waxa ay wiiqeysaa sharcinimada dowladeena.

Waan ku guuleysanaynaa dagaalkaasi, balse waa in aan ku guuleysanaa nabadda, waxaanan kaliya nabada ku guuleysan karnaa marka aan dhisno dowlad lagu aamini karo fulinta adeegyada ay Soomaalida u baahanyihiin, taasi oo difaacaysa, kor yeelanaysa danaha dadka.

Furaha in la helo nabad joogto ah iyo xasilooni waa dhismaha maamul goboleedyo qeyb ka ah federaalka Soomaaliya, tanina waa tiigsiga aragtida 2016-ka. Waxa ay aragtidani qeexeysaa naqshad federaalka lagu hirgalinayo dib u heshiisiin, meelmarinta dastuurka iyo waliba doorashooyin dimoqoraadi ah.

Dhismaha qaran ma ahan arin hal habeen lagu qaban karo, bal eeg dalalka waaweyn ee maanta dimoqoraadiga ah, waxa ay soo mareen waqtiyo dhaadheer oo xasilooni daro ah. Dhismaha qaran waxaa ka hor imanaya xaalado aad u adag, Soomaaliyana ma ahan mid ka duwan.

Si loo helo nabad cagaha dhigta, Soomaaliya waa in ay caadiyeyso in shaqsiyaadka iyo kooxahaba ay isku mid ka yihiin sharciga hortiisa, dadkuna ay fahmaan in dowladda ay ka shaqaynayso danahooda. Waana in la gaaraa heer in dad farqiga u dhaxeeya ay ku xalistaan si dagaal la’aan ah.

Soomaaliya waxa ay dhidabada u aastey dimoqoraadiyadda, waxa aan maalgalin ku samaynay in la dhaqangaliyo sharciga si loo dhimo xad gudubyada xuquuqul insaanka, waxaan abuureynaa suuqyo xor ah oo ka madax banaan musuqmaasuq, iyo waliba dhaqan kor hagistu ay ka imanayso oo ku salaysan xushmad.

Inagoo ku guda jirna dadaalkeena qaran dhisida, bulshada iyo waliba dhaqaalaha muddo sanooyin ah oo aad u yar gudahood. Ma inkiri karno in aan culeys weyn saareyno bulshadeena tabarta daran si loo gaaro waxa la hiigsanayo.

Mudanayaal iyo Marwooyinka Soomaaliya waxa ay ku hawlantahay isbadal dhab ah, waxaanan dhiseynaa qaran ku shaqeeya la xisaabtan.

Hase yeeshee waa in aan hubanti ka dhignaa in horumar la gaaro, illaa inta gacan sedexaad loosoo dhiibayo kaalmada Soomaalida la siinayo ha ahaadeen hey’adaha caalamiga ama NGO-yada maxaliga ah , waxa ay qaban karto dowladda aad ayay u yaraan doonaan.
Dastuurka, federaalka iyo isu diyaarinta doorashooyinka waa in ay noqdaan kuwa ay Soomaalida u madax banaantahay, iyadana qabsato, iyada oo kaalmo laga helayo beesha caalamka. Tani waxa ay ka dhigantahay in mararka qaarkood uu jiro gaabis, balse waxaa hubaan ah in aan gaarayno meeshii loo socdey.

Mudanayaal iyo Marwooyin shirkani Copenhagen waa mid ujeedkiisu yahay in si furan loo wada hadlo, la’islana eego wixii qabsoomey, meelaha banaan iyo waxyaabaha na horyaala, sidaasi darteed waxaan soo jeedinayaa in waxa la qabanayo ay noqdaan wax ay Soomaalida majaraha u heyso.

Waxaa i dhiirogalinaya in shaqadii Hiigsiga Cusub ay bilaabatay, beesha caalamka ay biloowdey in ay hawl ka qabato xaga dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

Aan kusoo gunaanado xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta, todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa dalka ka jirey xiisado siyaasadee, waxayna tani abuurtey hubanti la’aan, Laakiin aan idiin cadeeyo, ma jiro qof iga jecel in horumar la gaaro.

Idale News Online, Copenhagen.

You might also like More from author

Comments are closed.