Geeridii Shariif Mukhtaar Ibraahim ma Noqon Doontaa Dhamaadkii Taariikhda SYL

145

Halyeey Weyn Ayaa Ka Dhintey Shacabka Soomaaliyeed, Halyeey Aaney Geeridiisi aan Ilaahey Ugu Baryeyno In Aaney Sabab u Noqan Halmaamidda Taariikhdii (SYL) Iyo Wadaniyaddii Shihiidey (Shuculadii) Hurisey Dhaqdhaqaaqii Gubanimadoonka Geeska Africa 1960.

waxaan u maleynayaa in halyeeyadii gobanimadoonka uu ka dambeeya Maxamuud Yuusuf Nuuro oo magaaladda Nairobi ku nool Muuro wuxuu ahaa ninkii u ekaa Cabdulaah Ciise oo labadoodu hadey wada taagan yihiin aad mataano moodid, markii Cabdulaahi Ciise loo diidey in uu aado Qaramadda Madoobey Taliyaanigii ayaa u diidey maxaa yeeley wuxuu diidanaa adoonsiga Taliyaaniga, sidaa darteed Taliyaanigu wuxuu diyaariyey Cirbad Sun ah oo Talaal ah si Cabdullahi u jirado uuna ka baaqdo Qaramadda Midoobey si uusan u daaficin Qarinimadda Soomaaliya markii la talaaley Muuro diyaaradii waxaa fuley Cabdulaahi Ciise oo u ekaa Muuro sidaasi ayaa Taliyaanigii lagu qiyaaney.

sharifMukhtar
Saciid Cabdisalaan

 Xaawo Maxamed , Otavio iyo Saciid Cabdisalaan

Geeridda Shariif Mukhtaar Allah ha u naxariiste dowladda maanta kama warqabto meesha ay Tacsiyooyinka uga direyso kaabo qabiilo waxayna ku mashquulsan yihiin Bil dhan mooshiin lagu ridayo Raiisul Wasaaraha, fadhigaas Baarlamaanka ee Mooshiinka lagu ridaayo waxaa ka soo u uraayey Qarmuunkii iyo Urkii Qabyaaladda,oo (SYL)  la dagaalantey oo qof walboo Xisbigaas ka mid ahaa Kitaab Qur’aan lagu dhaariyey ayna Soomaalidu ahayn qabiilooyin kala sareeya.

ü  Kani waa Ugaas

ü  Kan waa Adoon

ü  Waa in aan iloownaaye

ü  Waagii horoon kala soocneyn silac ku nooleyne

ü  Soomaaliyey sara joogsadda

ü  Si san baan heleynaaye

ilaahey ha u naxariiste Shariif Mukhtaar Shiikh. Ibraahim wuxuu i soo xasuusiyey in markii Soomaaliya ay heshey Gobanimadii gudaha, Barasaabna waxaa uu ahaa Mario de Stefane oo ahaa sida Nicholas Kay

Cabdulaahi Ciise ilaahey ha u naxariistee markii xoriyadda Daaqiliga  aan helney wuxuu dhisey 5 Wasiir, kadib wuxuu kulmiyey gudigii dhexe maalin tii labaad, Muuse Boqar oo xubin ka ahaa gudiga dhexe ee xisbiga ayaa yiri “Anigu Boqor baan ahay waxaana xaq u leeyahay in aan labo Wasiir helo” Hadalkaas oo ku noqdey fajiciso gudigii dhaxe ee Xisbiga.

Cabdullaahi Ciise wuu caroodey caro waligiisa caroon shirkiina maalintii labaad ayuu dib ugu dhigey Cabdullahi Ciise fadhigii gudiga dhexe wuxuu ka sheegey in uu wasiirnimadii ka qaadey Muusa Boqar kana saarey gudigii dhexe ee (SYL), gudigii dhaxe oo dhan sacab ayey ku aqbaleen arintaas oo uu soo jeediyey,i iyadoo Cabdullahi uu soo jeediyey ay tusaale u noqotey ama duruus  nin walba oo Khaa’in ah

Xusuus Cajiib ah  marxuum Shariif Mukhtaar wuxuu i xasuusiyey qiso aan horey u maqley. Oo ahayd  maalin maalmaha ka mid ah ayaa guriga Maxamed Axmed Otaafiyo la keeney 13 Dambiil oo ah kuwa lagu adeegto oo ay ka buuxaan Bamooyinka lagu dagaalamo

Dad badan oo aan ka mid ahayn waxay la  noqdey in Dambiilaha uu  Canuuni ka buuxo waxaana durbadiiba la boodey mid ka mid ah Bombooyinkii maalinkaas waxaa joogey guriga rag  aan ka xusi karo Axmed Maxamuud Aloore, Maxamuud Yuusuf Muuro, Cali Shido Cabdi, ladane, iyo Cabdulqaadir Markaazi, oo gurigaas daganaa.  isla markiiba dadkii ayaa iigu soo ordey igana qaadey bambadii ayagoo ka baqaayey in ay dhulka iga dhacdo oo kuwa kale Qarxaan waxaan ka  naxay sababta la igu soo ordey waxaana iri “waxaan sitaa  Muufo aan ka soo gatey Faadumo Geedi” oo aheyd Cusmaan Geedi Raage walaashiis waxayna ka mid aheyd   gabdhihii  leegadda waxeyna ahaayeen haweenkii wacyagalin Dadweynaha

waxaa jiro oo kale haween Taliyaanigu iyo Iingiriisku la shaqeyn jirey oo markii Taliyaaniga iyo Ingiriiska ay duulaan  rabaan Soo sheegi jirey iyagoo shuko soo qaadan waxaana yaraa haweenka  gumeysiga daacada u ahaa,  waxaana kaloo jirey niman dhalinyaro ah oo Horseed kii SYL ahaa oo ka dhignaa Militeri kuwaas oo la dagaalamaayey gaalada iyo wixii la hal maala marmaar baa waxaa la qaban jirey horseedka iyo qofkastoo diida in uu qabiilkiisa sheego waana la garaaci jirey qaar waa u  dhinteen qaarna Cuduro ayaa ku dhacay  waxay dhibaatadaas ka door bideen in ay  Qabiilkooda sheegaan

 maanta maxaa dhacaya kadib 53 Sano oo aan xor nahay ?    waxaa dhacayaa siyaasigii Baarlamaan ku jirey oo aan  ka xishooneynin in uu qabiil sheekto,Firimbi qaato fadhigii oo socda, buuq kiciyo wanaaga iyo xumaan kala garan waayaan

Haweeney la oran jirey Raaxo Ayaanle oo ka mid ahayd Halgamayashii  ayaa  tiri  “Afkeyga Daloola Ilkaheyga Dahabka mudan waxaan ka door bidey dalkeyga Daaficiisa

Qoraa Sare Saciid Cabdisalaan Ismaaciil

E-Mail  Saciidcabdisalaam@Hotmail.Com

Tel    00252618517969

You might also like More from author

Comments are closed.