Baydhabo: Gudiga Farsamada Ee KG Soomaaliya Oo Dowladda Ka Dalbaday In Aan La Soo Fara Galin

90

Baydhabo(INO): Gudiga farsamada maamul usamaynta Sadexda gobol ee Baay Bakool , Shabeellada hoose ayaa madaxda Dowalda ugu baaqay in aysan soo fara galin arimaha maamul usamayn Gobolada koofureed ee Dalka, kaasi oo ka socda Magaalada baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Maxamed Cabdi raxmaan oo ka mida xubnaha Gudiga farsamada Maamulka Sadexda gobol ayaa sheegay in shirkii uu usii socn doono , madaxda dowladana ay ka daayaan fara galinta, shirkaasi,

Ergooyinka ku sugan baydhabo ayaa ku kala aragti duwan , iyada oo qaar ka mida ergada ka qeybgalaysa shirkaasi oo qaar ka mida ay soo dhaweeyn in dib loo dhigo, halka kuwa kalaay sheegayaan in aysan dib loo dhigi doonin oo ay sii wadanayaan shirkaasi.

Xukuumada faderaalka soomaaliya ayaa hadal ka soo baxay waxaa looga dhawaaqay in mudo kooban dib loo dhigay shirka Maamul usamaynta gobolada Koofur galebeed ee sadexda Gobol.

Magaalada baydhabo ayaa saakay xaaladeeda waxaa ay tahay mid degan iyada oo xubnaha Maamulka Sadexda gobol ay ku balansan yahiin in kulankooda ay sii wataan , shalayna xubnaha qaar loo qeybiyay Dastuurka uu yeelanayo maamulkaasi.

shirka-baydhabo-5

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo, Somalia

You might also like More from author

Comments are closed.