Amnesty International: Dawlada Holland ha ka fiirsato soo celinta Qaxootiga Somalida

89

Hay’adda caalamiga ah ee Amnesty International ayaa warbixin lafilayo maanta in ay baahiso waxa ay eedeen ugu jeedisay dowlada Holland oo ay Hay’ado sheegtay in qaxooti somaliyed oo Holland kunool ay kucelinesso goobaha dalka ay kamaamulaan Al-shabab,taasina xad gudub ay kutahay heerka caalamiga ah ee qaxootiga.

Teaser Image Amnesty International: Dawlada Holland ha ka fiirsato soo celinta Qaxootiga Somalida

Amnesty ayaa ugu baaqday in dowlada Holland ay badasho qaabka iyo xeerarka Qaxootiga wadankeeda kunool islamarkaana ay xushmeeso xuquuqda dadka magan galyo doonka ah.

Tixraacyo dhowr ah oo ay sameesay hay’ada ayey ku ogaatay in axmad siciid oo ah wiil Somalia ah dalka dib loogu soo celiyay isagoo 26 sana jiro xili uu wadankaasi galay xili da’diisu ay tahay 6 sano jir.

Sida u sheegay Afhayeen u hadlay waaxda socdaalka ee Netherlands ,dowlada Holand ayaa sheegtay in codsiyada dadka megengelyo doonka ah loo qiimeynaayo si shaqsi shaqsi ah, qiyaastii 30 qof ayaa sanadkanna dib loogu celiyay Soomaaliya.

Bishii May ee sanadkan, Qaramada midoobey ayaa ku boorisay dalalka qaxootiga Soomaalida ah ay ku sugan yihiin, inaysan dadkan ku celin meelaha ay noloshooda halis ku gali karto.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.