Daawo Sawirada: Lugteyda Midig Ma ii Soo Laaban Karto

Waxaa soo hagaagtay xaalada wiilkii yaraa ee ehel la,aanta ahaa ee

lugtiisa midig ku waayay Xabado ay si bareer ah ugu fureen Ciidamada
AMISOM,, 15/8/2014 xili ay weerar ku ahaayeen guriga guddoomiyihii
hore Degmada Wadajir Axmed Daaci, oo ay ku sameynayeen hubka dhigis.

Xaalada Wiilkan oo in badan aan la socday ayaa haatan ah mid hagaagsan
oo uu Isbitaalka uu ku jiray dhaqaatiirtu ay xaqiijiyeen in xiligan ka
dib wiilkan uu yahay mid wanaagsan Isbitaalka in laga saaro oo la
xanaaneeyo uu u baahan yahay.

Wiilkan yar oo aan haysan wax ehel ah, balse nasiib u yeeshay in ay
xanaanayso oo ay si kal & laab ah ugu war hayso gabar Lagu Magacaabo
Xabiibo Maxamed Maxamuud Carabow oo iyada si Islaanimo ah isugu
howshay in ay u gargaarto tan iyo waagii ay xaaladiisu Qatarta aheyd.

Wiilkan yar oo haatan noloshiisa soo hagaageyso ayaa waxaa jirta inuu
ku noollaa waagiisii hore Suuqa uuna ahaa darbi jiif, balse haatan
sida aad aragto Lugtiisu ay maqan tahay taa awgeed uusan awoodi Karin
nolosha darbi jiifka oo uu u baahan yahay xanaano wanaagsan.

Wiilkan yar oo si calool xumo ah iila hadlay mar aan Booqday ayaa igu
yiri ” Lugteyda Midig Ma Iisoo Noqoneyso, Mana La Ciyaari Doono
Ciyaalkii aan La Asxaabta Ahaa, Awal Ayaaba Anoo Fiyow La I Dili
Jiray, Oo aan Lugahayga Ugu Baxsan Jiray Hada Waxaan U Malaynaa Taasi Iima Suurta Galayso” intaas markii uu igu yiri si aad ah ayaan u
calool xumaadday, waayo waad qayaasi kartaa adigaba hadaad damiir
leedahay wiil Suuqa iska carari jiray oo haatan lugtiisa waayay sida
ay xaalada noqoneyso.

Xabiibo Carabow oo ah gabadha uu aaminsan yahay wiilkan ayaa ii
sheegtay in ay Xaafada ay degan tahay dejineyso ayna sii wadayso
Xanaanaynta Wiilkan, balse waxa ay codsatay in Umadda Soomaaliyeed in
ay ku ogaadaan, “Wiilkan yar wax aan u ahay ma jiraan waadna ogtahay
xaalada aan ka soo maray,illaa hadana diyaar ayaan u ahay inaan sii
caawiyo, Waxaan ka codsanayaa Umadda Soomaaliyeed in ay soo gargaaraan, Waliba xiligan waa xiligii ugu darneyd ee Xanaaneyntiisa,
waliba waxaa jirta inuu u baahan yahay Gaari, & Biro uu ku socdo ”

Xabiibo ayaa ii sheegtay in ay jiraan dad la soo xiriiray, balse aysan
jirin dad toos uga war hayo, oo ay sheegtay marka Media-yaha la geliyo
uun la soo war wareyso, oo wax uun loo soo diro, Xabiibo ayaa intaas
ku dartay in ay diyaar u tahay in ay ku wareejiso hadiiba ay jiraan
dad xanaanaynaya ama hay,addo u qaabilsan xaaladahan.

Hadaba waxaa jirta in haatan wiilkan yar u baahan yahay gar gaar,
waana xiligii uu u baahnaa xiligan gacan ku qabad cidiiba wax u
awoodda.

Faah Faahin Dheeri ah si aad ugu ogaato wiilkan fadlan kala xiriir
Xabiibo Maxamuud Maxamed Caraboow +252615502076

Comments are closed.