Daawo Video: Warshad Toonada Kalluunka Sameysa oo laga Furayo Muqdisho

127

Wasiirka Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Mudane Maxamed Coloow Barrow ayaa shaaca ka dhigay in ganacsato Soomaaliyeed usoo bandhigeen qorshe ay ku doonayaan in Muqdisho laga hirgeliyo Warshad Sameysa Toonada Kalluunka la hagaajiyey ee kadib la gasacadeeyo.

Maxamed Coloow ayaa tibaaxay in arintaasi farxad gelisay Qorshaha Ganacsatada Soomaaliyeed ay ula yimaadeen ayna iyagu ku taageereen barnaamijkaasi isaga ah.

Wasiir Coloow Baroow waxa sidoo kale uu sheegay inay muhiim tahay fursado shaqo in loo abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed oo hadii ganacsatada ay doomo badda soo iibsadaan ay shaqooyin sidaa ku heli karaan dad badan oo hadda Shaqo la’aan magaalada ku ah.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Mudane Maxamed Coloow Barrow ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku kala sugan Dalalka Koonfurta Sudan,Kenya,Koonfur Africa inay dalka dib ugu soo laabtaan oo dalka ay maalgeshidaan oo ay ka qeyb qaataan dib udhiskiisa.

Halkan Ka Daawo Video

malaay-gaadatada-xamar2

You might also like More from author

Comments are closed.