Midowga Afrika oo Cambaareeyey dhaawaca loogeystay Wariye C/risaaq Black

113

Warkooban oo kasoo baxay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Somalia, Ambassador Maman S. Sidikou ayaa lagu cambaareeyay isku day dil shalay lagu weraray Wariye Cabdirisaaq Jaamac Cilmi oo ahaa Agaasimihii Telveshin-ka Somali Channal Xafiiska Muqdisho.

” Waxaan si adag u cambaaraynaynaa falalka lagu weeraray Wariye Cabdirisaaq Jaamac Cilmi. Oo ahaa Agaasimihii Telveshin-ka Somali Channal.waxaan urajeynayaa caafimaad deg-deg ah ayuu yiri Ambassador Maman S. Sidikou.

Weerarkii shalay w aa kii saddexaad oo lagu weraray Saxafi Soomaaliyeed sannadkan oo keliya.

Wariye C/risaaq ayaa waxaa lagu dhaawacay Xaafada Black Sea ee Degmada Hodan xili uu hor fadhiyay Gurigiisa oo Degmadaasi ku yaala.

waxaana Rasaastu ay uga dhacday Caloosh iyo mid kamid ah Gacmihiisa.

midowga-africa

 

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.