Daawo Sawirada: Qaraxii Magaalada Muqdisho

196
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo xalay ka dhacay goob shaaha laga cabo oo dadka xilliyada fiidkii ay isugu yimaadaan Magaalada Muqdisho.

Goobtaan qaraxa uu ka dhacaya ayaa waxaa lagu magacaabaa Oromo Coffe, waa meel inta badan ay fariistaan dhalinyarada oo waxa ay ka isticmaalaan Internet Wireles ah oo moobeeladooda ay ka galaan.
Gaari waxyaabaha qarxa lagu soo xiray ayaa la dhigay goobaha lagu baakinto baabuurta ee Maqaayadaan horteeda, iyadoo uu xalay fiidkii halkaasi uu ku qarxay gaariga.
Khasaaraha ka dhashay qaraxaasi ayaa wuxuu gaarayay xalay ilaa 10-ruux oo dhimasho ah iyo dhaawaca 15-ruux, hayeeshe wararka saaka soo kordhay ayaa sheegaya in dadka dhintay ay gaarayaan ilaa 13-ruux dhaawacana uu gaaraayo 18-ruux.
Dhaqaatiirta caafimaadka ayaa xaqiijinaya tiradaasi, waxa ayna ku waramayaan in dadka qaar ay xalay isbitaalka ku geeriyoodeen markii dhaawacooda uu noqday mid aad ucuslaa oo markii horeba uu liitay.
Waa dhacdo xanuun badan marka loo eego shacab aan waxba galabsan oo goobtaasi lagu xasuuqay.
Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.