Faanada Cashakiin Cilmi Oo dhaawacmay Shil ka dhacay Muqdisho

108

Waxaa  Shil gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho uu dhaawac kasoo gaaray Fanaaniinta kala ah:Caasho Kiin Cilmi Xaashi iyo Seygeeda Fanaanka la yiraahdo Cabdi Heelo.

Dhaawaca labada fanaan ayaa waxa la dhigay Cusbitaalka Madiina ee Muqdisho iyadoona dhaawac Culus uu shilkaasi kasoo gaaray Fanaanka Cabdi Heelo.

Inkastoo dhaawaca Caasha Kiin Cilmi Xaashi uu ahaa mid fudud ayaa waxay sheegtay in Seygeeda uu gacanta iyo Madaxa dhaawac kasoo gaartay.

Qaar kamid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa waxay ku booqdeen Cusbitaalka iyagoona Alle uga baryey in Fananaiinta Dhaawacmay Caafimaad deg deg ah siiyo.

caashakiin

Idale News Online, Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.