Dhageyso: Suldan Xaydar Suldan Suufi Suldan Munye Dheere Oo Soo Dhaweeyey Qabshada Degmada Baraawe & Digniin Uu Bixiyey.

579

Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay,  Waxa Shir Jaraa’id ku qabtey suldaanka Guud ee Beesha Shangamaas, Toore  iyo weliba Tododo toll Ee Tunni, suldaan Xaydar suldaan suufi Suldan Munye Dheere.

Suldaanku waxa uu aad u faraxey, qabashada degmada baraawe, Ee Gobolka shebellaha Hoose  taasi oo ah degmada uu ka soo jeedo isla markaana u uu yahay shacabka ku nool suldaankooda Guud.

Suldaan xaydar, isagoo hadlaayo ayaa waxa uu yiri ”  Anigoo ah Suldanka Guud Ee Beesha Tunni, suldaan xaydar suldaan suufi suldaan munye  dheere waxa maanta  si farxad ah ugu  hadlahaya, qabashada degmadeyda, degmada aan mas’uulka ka ahay shacabka meeshaasi ku nool  iyo nawaaxigeeda,  aad ayaan ugu farxay qabsashada degmada Baraawe, taasi mid la mid ah waxaan hambalyo u dirayaa Shacabka baraawe iyo  Waxa kale Mahad celin u dirayaa ciidamada dowlada soomaaliya iyo AMISON” Ayuu yiri suldaanku.

Sidoo kale  Suldaan Xaydar  isagoo hadalkiisa sii wato, ayaa waxa  yiri   markale ” “Waxaan ka codsanayaa, Madaxda sare Ee dowlada soomaaliya , in la sugo amaanka degmada baraawe Aan shacabka lacabsi galin oona la dhowro, hantidooda khaasatan abaan duuliyaha ciidanka xoogag dalka soomaaliyeed   aya ka codsanayaa iyo madaxda AMSION oo hada Ku sugan “

Dhan kale Suldan Xaydar, ayaa  waxa uu  bixiyey dignii waxa uu yiri ”  Waxaan ka digayaa in aysan dhici tii degmooyin ka Afgooye iyo Qoryooley ay ka dhacdey, shacabkana  waxaan u dirayaa inay ayaguna ay is dajiyaan, dowladuna ay soo dhaweeyeen, ayna ku soo dhaweeyaan gacamo furan iyo Hambalyo” 

Si kastata ha ahaatee, dhawaan ayey a ahayd ka dib markii ciidamada  dowlada soomaaliya oo ay welinayaan  ciidmada AMSION Ay la wareegeen, degmada Baraawe ee Gobolka shabellaha hoose.

Halkan Ka Dhageyso.

Suldaan Xaydar
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

 

 

 

 

 

 

You might also like More from author

Comments are closed.