Godoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Oo sheegay in Guulo laga gaaray xiisado Dhanka Colaadii ka taagnayd Gobolkaasi

116

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Sidii ayaa u sheegay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho in xal wanaagsan laga gaaray colaadihii ka taagnaa gobolkaasi.

Wuxuu sheegay in maamulkooda ay muujiyeen dadaal dheeraad ah oo arimahaasi wax looga qabanayo, ayna jiraan hishiisyo hordhac ah oo ay kala gaareen dhinacyadii ku dagaalamay Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Siidii ayaa ugu baaqay hayahada gargaarka inaysan gargaar halkaasi geynin laakiin shacabka gobolka ay ka taageeraan dhanka tacabka.

Wuxuu sheegay in gobolka uu leeyahay wax soo saar wanaagsan, laakiin aan shacabka laga hor istaagin wax soo saarkooda oo aan raashiin gargaar loo geynin.

Maamulka Shabeelaha Hoose oo sheegay in guulo laga gaaray xiisado dhanka qabaa’ilka oo ka taagnaa gobolkaasi.

Idale   News Online Qoryooley.

You might also like More from author

Comments are closed.