Al-shabaab oo Beenisey in Puntland Ay ka saartey Buuraleyda Galgala, iyagoona sheegey…

108

Afhayeenka Hawlgallada ee Al-Shabaab Shiikh Abuu Muscab oo ka hadlay dagaalka dhexmaray Ciidamada Dowladda Puntland iyo dagaalo ay ka fureen dhowr jiho oo deegaanada dalka ah ayaa sheegay in dagaalka khasaare ku gaadhsiiyeen Ciidamada Puntland.

Shiikh Abuu Muscab ayaa xusay in ay maalmahanba ka warhayeen abaabul dagaal iyo diyaar garow ay wadeen Ciidamada Puntland iyo Shirkaddo shisheeye waa sida uu hadalka ugu sheegay Shirkiisa Jaraa’id.

Wuxuu hadalkiisa ku daray in Kooxdooda ku sugan Buuraleyda Galgala markii ay ka war heleen abaabulka dhanka Puntland ay si fiican uga baadhaan dageen gulufka kusoo wajahan dhankooda.

Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Abuu Muscab ayaa intaas ku daray in weerarka ay dhankoodu qaadeen isla markaana ay khasaare gaadhsiiyeen ah dhimashada 20-askari oo ay ku jiraan Saddex sarkaal oo kamid ahaa kuwa Ciidanka hoggaaminayey iyo laba gaadhi oo la gubey.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in khasaare xoogan u geysteen dagaalyahanada Al-Shabaab isla markaana aysanba sidaas uga hadhi doonin.

Hadalka Sheekh Al-muscab ayaa ka dambeeyey sheegasho katimi dhinaca madaxweynaha Puntland taas oo ahayd inay qabsadeen saldhigyadii ciidamada Al-shabaab ay ku lahaayeen Deegaanka Al-shabaab.

Al-Shabaab-iyo-munaasabadda-Ciidda

Idale  News Online, Baraawe.

You might also like More from author

Comments are closed.