Wajigii Koowaad ee Shirka dib u heshiisiinta Baydhabo oo lagu wado in maanta la soo gabagabeeyo.

125

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo lagu soo gabagabeeyey wajigii koowaad ee Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya,kaasi oo mudo ka badan 10-cisho ka socday magaalada Baydhabo. 

Waxaana lagu wadaa in loo gudbo wajiga Labaad oo la doonayo in lagu soo dhiso maamul ka kooban seddex gobol mudo 35-cisho ah kaasi oo ku mideysan Bulshada ku kala dhaqan Gobolada Baay/Bakool iyo Shabeelada Hoose.

Wariye Axmed Saadaq oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa soo sheegaya in qaar ka mid ah Odayaashii ka qeyb galay Shirka dib u heshiisiinta oo madasha ka hadlay ay sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo dhisayo maamul ka kooban Seddex gobol kaasi oo noqda maamul goboleed loo dhan yahay,sida Odayaasha laga soo xigtay.

 Iyadoo Shirka dib u heshiisiinta uu ka qabsoomay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa hadana waxaa shirkaasi ka maqan garabka uu hogaamiyo Madoobe Nuunow Maxamed oo isaga hogaamiye u ah maamulka Lixda gobolka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Jahwareeka dhanka maamulka ayaa wali ka taagan magaalada Baydhabo,waxaana dhanka kale socda dadaalada lagu doonayo in arintaasi xal waara looga gaaro.

jawaarey& Nuunow
Idale News Online, Baydhabo.

You might also like More from author

Comments are closed.