Dhageyso: R/W Cabdiwali Sheikh oo Baydhabo kaga dhawaaqey dhismaha Maamulka KG ee 3da Gobol

167

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federalka ah ee Somaliya Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa ka qeyb galay furitaanka shirweynaha dib-u-heshiisiinta gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo socon doona muddo 45 cisho ah isuguna jira dib-u-heshiisiin iyo dhismaha maamul ka kooban saddexda gobol ee Bay, Bakool iyo Shabellaha Hoose , waxana kasoo qeyb galay shirka xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, ergooyinka ka kala socday qabybaha kala duwan ee dadka ku dhaqan gobolladan.
shirkaBaydhaba1

shirkaBaydhaba2

shirkaBaydhaba3

shirkaBaydhaba4

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyntii sheegay in beelaha Digil iyo Mirifle ee dega Jubbooyinka iyo Gedo ay heli doonaan xuquuqda ay leeyihiin isla markaasna aysan Madaxda Sare ee dowlada aysan marnaba raali ka noqon doonin cadaalad daro in wax lagu dhiso.

Xafiiska Warqabadka Idale News, Baydhabo.

You might also like More from author

Comments are closed.