Dhageyso: Prof Gaandi oo dhaliiley doorka IGAD ee Jubaland, diidayna in Hogaanka Jubaland ee hadda shirka daadihiyo

161

Xildhibaan Maxamed Cabdi Maxamed oo loo dadka badidood u yaqaanaan Prof “Gaandi” ayaa wareysi uu siiyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC kaga hadlay arrimo oo ku saabsan shirka dib u heshiisiinta ee loo balansan yahay inuu ka dhaco magaalada Kismayo 16/09/2014.

gaandi

Xildhibaan Gaandi wuxuu wareysigiisan ku dhaliilay doorka urur goboleedka IGAD ee Jubbaland ayaa
sheegay inuu isagu aaminsan yahay si buuxdanana u taageersan yahay in nidaam cadaalad iyo dib u heshiisiin dadka deegaanada Jubooyinka iyo Gedo asal u ah la sameeyo kaasoo saldhig looga dhigaayo 2 heer oo kala ah ka soo qeybgalka oday-dhaqameedyada rasmiga ah ee ansixiyey dastuurkii federaalka iyo heer siyaasadeed oo xildhibaanada iyo waxgaradka deegaanadaas ay ka soo wada qeybgalaan”

[audio://http://www.dhanaanmedia.com/dhanaan/wp-content/uploads/2014/09/Prof.Gaandi.mp3
|autostart-yes]
Sidoo kale, Prof Gaandi ayaa sheegay in uu isagu doonaayo in shirka dib u heshiisiinta bisha September dhacaayo lagu madax baneeyo maamulka haatan ka jira Kismaayo, dadka deegaanadaas wada dega ay iyagu talada iyo go’aanku lahaadaan.

‘IGAD doorkeeda dadka soomaaliyeed oo deegaankaan amaa guud ahaan mugdibaa kujira waxaa waaye mugdiga kujira waxaa lagaran la’ayahay inay fulin yihiin iyo inay fududayn yihiin.’’ ayuu yiri Gaandi.

Dhinaca kale wuxuu Gaandi sheegay inuu taageersan yahay in shirka dib uheshiisiinta lagu qabto Gedo.Gaandi ayaa sidoo kale dhaliilay maamulka Jubaland.

You might also like More from author

Comments are closed.