Jawaari oo Baydhabo u tagey dedejinta Maamulka 3da Gobol ka hor bilowga shirka Denmark ee Bishaan September

127

Gudoomiyaha Baarlamaanka DF Mudane Maxmed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa safar horay loosii qorsheeyay maanta oo Isniin ah ku tagay magalada Baydhabo oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka taagnaayeen xiisado is-diidan.

Ammaanka magalada Baydhabo ayaa si wayn loo adkeeyay waxana lagu wadaa Jawaari inuu la kulmo qaybaha Shacabka iyo dhinacyadda isku hayo Baydhabo.

jawaariBaydhabaKW3 kw3 kw3_1 kw3_2 kw3Jawaari kw3Jawaari1

Tan iyo markii ay soo shaac baxeen mamulo isku hayo Baydhabo ayaa waxaa magaladaasi kusii badanayay colaada maadama shacabka ay ku kala qaybsameen labadaan mamul oo mid kasta uu sheeganayo Lix gobal iyo Saddex Gobal.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu dhameeyo xiisadaha siyaasadeed ee iska soo horjeeda si loogu guulaysto dhismaha mamulka Saddexda Gobal oo wali qorshihiisa la wado.

Maalmahan soo socda ayuu Jawaari ku sugnaan doonaa magalada Baydhabo.

You might also like More from author

Comments are closed.