Xildhibaano ka socda dowlada Federaalka oo isku hirdiyey ka qeybgalka Shir ka dhacaya Minnesota

89

Shirkan u dhaxeeya sharci dejiyayaasha ka kala yimi aduunka iyo kuwa dalkan Marekanka ayaa ka dhacaayo Magaalada Minneapolis xarunteda shirarka ee loo yaqaan Convention Center oo ku taala downtown ama faras magaalaha gobolka.
Waxaa uu furmay Shalay oo aay taariikhdu aheyd bisha Sideedaad sagaal iyo tobonkeda waxa uuna socon doonaa ilaa iyo mudo sadex cisho oo xiriir ah.

Xidh1-300x166 Xidh4-300x225 Xidh5-300x168
Somalia Waxaa u matalayo Xildhibaano horey u joogay ee kala ah Dr. Xilliban Cabdicasiis Sh. Yusuf, Xilliban Ibrahim Suleyman Ilkacase, Xilliban Keynaan Mohamed, Xilliban Cabdibare Jibril iyo tiro Xilliban qarda jeex lagu keenay oo ilaa afar ah oo aan ka xusi karno Xilliban Luuleey oo kasoo jeeda goboalda Bay iyo Bakool.

Shirkan ayaa waxaa hogaminayo Dr. Xildhiban Cabdicasiis oo markii horeyba Casumada ka keenay afhayenka barlamanka gobolka Minnesota oo martida loo yahay, inkastoo aay isku dayday ineey musuq maasuqdo Wasiirad Nadifo oo aay Madaxweyne yihiin xasan sheekh xulufo qaab beeleed ku dhisan balse arintaas ayaa waxaa si iskaashi ah ooga hortagay Madaxda Jaaliyada gobolka iyo siyaasiyiin ku sugan gobolka Minnesota ahna abaabulaashii Mudaharaadkii madaxweynaha looga soo horjeeday, waana uu fashilmay isku daygaas aay ku doonayeen ineey musuq maasuqan kooxda aay hogaaminaysay Nadifo ahna xulufo isku bahaysatay qaab beeled balse ugu danbeyntii lagala waregay hoganka shirka iyo matalada shirka inta uusan bilaaban

Waxyaalaha looga hadlaayo shirkaan waxaa ka mid ah ama lagu soo bandhigaayo macluumaad ku saabsan beeraha iyo tabarta iyadoo la geyn doono xildhibanada meelo muhiim u ah aqoon kororsigooda ee ku yaala magaalooyinka gobolka Minnesota haba ugu badnaato inta badi Minneapolis, sidoo kale waxay meesha isku arki doonaan oo shirar gooni gooni ah yeelan doonaan madax kale oo ka kala yimi adduunka oo dhan waxaana suuragal ah ineey meesha ka heli karaan xiriir dhex maro iyaga iyo xildhibaano ka yimi wadamada africa, asia, yurub iyo dalkan Marekanka, waana fursad u sahli karta Xildhibanda Somaliyed waxyaabo fara badan.

Idale News Online, Minneapolis, MN

You might also like More from author

Comments are closed.