Ciidamada Nabad Ilaalina Midowga Afrika Ee AMISOM oo lagu Eedeeyay in Degmada Marka ay Xasuuq ka geeysteen.

142

Odayaal ka mid ah kuwa ku nool Maagalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Keydmedia online u sheegay in Ciidamada AMSIMO ay Shalay Dad Shacab ah ku Xasuuqeen Magaalada Marka.

Teaser Image Ciidamada AMISOM oo lagu Eedeeyay in Marka ay Xasuuq ka geeysteen

Cali Axmed C/salaam oo ka mid ah Waxgaradka Magaalada Marka ayaa Idale News Online  u sheegay in ugu yaraan Ciidamada AMISOM Shan Ruux oo Caruur iyo Haween ay ku jiraan ay Dileen,kadib markii Kooxo Hubeeysan ay ku Tuureen Bam xili ay marayeen Xaafada Ceel Jaale.

“Ciidamada AMISOM waxaa ay Dadka Shacabkaa ku Rideen Rasaas aan loo meeldayin,Caruur iyo Haween ayey laayeen,waan in Sharciga la saaro oo Cadaalada la horkeeno’ayuu yiri Cali Axmed.

Nabadoon Cali Axmed ayaa sidoo kale sheegay in aysan Cusbeeynin AMISOM ay si barer ah Magaalada Marka  Dad ugu disho,ka dibna aysan dib u soo laaban.

Waxaa uu Dowladda ugu baaqay in wax laga qabto Xasuuqa Ciidamada Afrikaanta ah ay Shacabka Soomaaliyeed ku hayaan sida uu sheegay.

Ciidamada AMISOM ayaa Dalka  ka geeysta Dhibaato la mid ah mida Dadka Magaalada Marka ay ka Cabanayaan.

Idale News  Online – Xafiiska  Baydhabo Janaay.

You might also like More from author

Comments are closed.