Daawo Sawirrada Ra’iisul Wasaare C/Weli Sheekh Axmed Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Taliyaha Guud Ee Dalka Talyaaniga.

33

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka  Soomaaliya Mudane C/weli  Sheekh Axmed ayaa maanta waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay Jeneralka ugu sareeya dalka Talyaaniga  general Batarooni oo  u qaabilsan hawlgalada dibedda.

Kulanka Uu Ra’iisul Wasaare C/Weli  Sheekh Axmed La qaatay Taliyaha guud ee ciidamadda dalka talyaaniga   ayaa waxaa ku wehliyey Wasiirka Gaanshaandhigga  Soomaaliya Jen Maxamed Xasan Xaamuud.

Wasiir Maxamed Xasan Xaamud ayaa kulanka kaddib isagoo warbaahinta lahadlayey  waxa uu sheegay  in Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliyaha  ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah ay ugu horayso sidii loo loo xoojin lahaa xiriir sxbtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeyo labada dal.sidoo kale labada Mas’uul ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin  lahaa taageerada dhanka Millatariga ee dawladda Talyaanigu siiso Soomaaliya iyadoo ay Ballan qaaday dowladda talyaaniga in kaalin lixaad leh ay ka qaadan doono dar dar gelinta taageerada dhanka Meleteriga.
765481a2a3

IDALE NEWS ONLINE.

You might also like More from author

Comments are closed.