Fanaanada Xaawo Jeesto oo Muqdisho ku geeriyootay.

58

llaha Unaxariistee Fanaanada Caanka ah ee Xaawa Jeesto, ayaa saakay ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Allaha unaxariistee Fanaanada Xaawa Jeesto, ayaa kamid ahayd fanaaniinta ugu caansan Soomaaliya ee aan dalka Gudihiisa marnaba ka bixin.

Fanaanada Xaawa jeesto ayaa ku geeriyootay da’da 35aad, waxaana ay kamid ahayd Kooxda ONKOD ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Fanaanada ayaa sida la sheegay u geeriyootay Xanuun ka haleelay Madaxa, gaar ahaan waxaa la sheegay inuu madaxa kaga dhacay cudurka Kansarka.

Marxuumad Xaawo Jeesto, waxaa la sheegay ineey ahayd Gudoomiyaha kooxda Qeylo-dhaan ee magaalada Muqdisho.

MUQDISHO-1-300x225

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.