Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo u yeertey Madaxa TV-ga Universal.(Maxaa loo heestaa).

44

Waxaa na soo gaarey  Nuqul ka mid ah  Qoraal ka soo baxay Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo loo qaybiyey Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta islamarkaana uu ku Saxiixnaa Gudoomiyha Maxkamadaas Dr.Xasan Maxamed Cali (Wariiri) waxaana Qoraalkaas Baafin ah  oo Tirsigiisa ahaa Ref-MRGB/151/2014BG  soona baxay 4-5-2014 uu u Qornaa sidatan :-

 Maxkamada Gobolka Banaadir  waxay Baafineysaa  Madaxa TV-ga Universal  Axmed Abuukar Mubaarak in uu Maxkamadda Racfaanka Banaadir, waxaana lagu farayaa aad ku timaado  Muddo 30 Cisho Gudahooda meel kasta oo aad ka joogto dalka Dibadiisa ama Gudahiisa

Hadaba waxaa lagu farayaa  in aad Dhowrto u yeerista ay kuu yeertey Maxkamada  Racfaanka Gobolka Banaadir, kuna Timaadid  Soddonkaas Cisho  Gudahooda oo ka bilaabaneysa  5-5-2014 ilaa 6-6-2014

Dhinaca kale waxaa Saxaafadda la hadshey markii uu soo baxay Qoraalkaan Qareenka doodaya Cabduqaadir Maxamed Aadan Baariyow in uu yahay Milkiilaha TV-ga Universal Qareenad .Xaawo Xaaji Sabriye oo soo dhaweysey Go’aanka Baafinta ee ay soo saartey Maxkamada Racfaanka  Gobolka Banaadir,sheegteyna  in  Dacwadaan ay Muddo Dheer soo socotey  islamarkaana ay  soo martey Heerar kala duwan.

Cabduqaadir Maxamed Aadan (Baariyow) oo sheegey in uu yahay Milkiilaha TV-ga Universal  islamarkaana ahaa Qofkii  Dacwada u Gudbiyey Maxkamadda ayaa sheegey  in  uu Geed Dheer iyo Geed Gaabanba  u Kori doono sidii uu ku soo Ceshan lahaa  Hantidaas oo uu sheegey in uu isagu  uu leeyahay  waxaa uu intaa ku darey

“TV-ga Universal Aniga ayaa iska leh islamarkaana aniga ayaa Dhidibada u taagey,Ummadda Soomaaliyeedna waa ogtahay,waxaana mar kale ku Celinayaa oo aan  Doonayaa in aan Hantidaas aan ku soo ceshado si Sharci oo aan ku kala baxno Maxkamadda.

Eng-Ahmed

Idale  News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.