Wasiir Xaamud “Ciidamada Dowladda ma ahan Dhinacyada ku dagaalay Baled-xaawo”.

62

Wasiirka Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Max’ed Sh Xasan Xaamud ayaa ka hadlay Dagaalkii ka dhacay Degmada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo.

Teaser Image Wasiir Xaamud “Ciidamada Dowladda ma ahan Dhinacyada ku dagaalay Baled-xaawo”Max’ed Sh Xasan Xaamud oo Muqdisho Warbaahinta kula hadlay ayaa sheeegay in Dhinacyada ku dagaalamay Baled-xaawo aysan ku jirin Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay yihiin Maleeshiyaad.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka Xuntahay, in Dad Soomaali ah ay Micno Daro u Geeriyoodaan ,ayagoo Dagaal qabiil ku jira.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga ayaa Dhinacyada  ku Dagaalamay Magaalada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo ugu baaqay in ay Joojiyaan Dagaalka.

Degmada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ku dagaalamay Ciidamada Demada Baled-xaawo iyo Maleeshiyaad Gacansaar laleh kuwa Maamulka Jubba.

Idale News  Online , Balad Xaaw, Gedo.

You might also like More from author

Comments are closed.