Dhageyso: Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Koonfur Galbeed C/fitaax Geesay oo Ka Hadlay Qaraxii Ka Dhacay Baydhabo Janaay.

62

Waxaan goordhow wareysi la yeeshey  wasiirka arimaha gudaha iyo amniga ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya mudane Cabdifitaax Ibraahim Geesey oo gelinkii dambe ee maanta weerar ismiidaamin ah lagula qaaday magaalada Baydhaba.

Wasiirka oo u waramayay warbaahinta Koonfur galbeed ayaa sheegay in weerarka ay ku dhinteen ilaa 11 qofood oo uu ku jiray mid kamid ah ilaaladiisa halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Geesey ayaa sheegay in dadka dhintay ay u badnaayeen rayid halka kuwa dhaawacmayna sidoo kale ay ahaayeen rayid marka laga reebo mid kamid ah ilaaladiisa oo kamid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarka ismiidaaminta ahaa ee lagusoo qaaday wasiirka.

Wasiirka ayaa dhanka kale beeniyay in 7 kamid ah ilaaladiisa ay ku dhinteen qarixii isaga lala damacsanaa isaga.

Halkan Ka Dhageyso:

[audio:http://www.ishabaydhaba.com/?attachment_id=57895|autostart=yes]

 

 

Geesey

Idale News Online, Baydhaba

You might also like More from author

Comments are closed.